Somaliland Oo Si Kulul Ugu Jawaabtay Puntland, Una Sheegtay In Ay Talaabo Ka Qaadi Doonto

Xukuumada Somaliland ayaa jawaab ka bixisay Hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ee Siic Cabdilahaahi Dani uguna Hanjabay Somaliland in ay ka baxdo Dhulka ay ka haysato Puntland ee Sool, Sanaag & Cayn.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumada Saleebaan Yusuf Cali Koore ayaa madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ee Siic Cabdilahaahi Dani Ku eedeeyay in uu Falal Amaanka Lid ku ah ka wado Xadka u dhexeeya Somaliland Iyo Puntland.

Wasiir Saleebaan Yusuf Cali Koore ayaa ku Hanjabay in ay Somaliland Talaabo qaadi doonto hadii ayna Puntland ka waantoobi waydo fara-galin xuduudeed oo ay wado.

“Waxa aan Kalmad isla dul taagayaa Maamulka Puntland ee Dani, Dani waxa ka muuqata in uu yahay Nin siyaasada ku saaqiday, Hadii ay noqoto maamulkiisa oo kala daatay ama hadii ay noqoto sida ay u kala daateen iyo sida ay isku diidanyihiin kuwa ay Somalia isla sheeganayaan ama hadii ay noqoto waxa ka jira magaaladiisa weyn ee Boosaso”.

“Waxa ka muuqata in uu siyaasad Fiqiir ku yahay waliba uuna la socon waxa ka socda geeska Afric, wax xal ahna samayn karin, shalayna 200 oo Askari ayuu Is hor taagay oo uu Somaliland ugu hanjabay”.

“Waxa aan kuugu baaqayaa in aan fara galinta ka dayso Xuduudka Somaliland, Umada Somaliland waa dad tashan kara waliba garanaya sida sharaftooda loo ilaashado”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*