Taliyaha Booliska Somalia Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Oo Madaxweynaha Somalia U Gudbiyay Warqadiisa Shaqo Ka Fadhiisiga & Madaxweynaha Oo Ka Jawaabay

Taliyaha Booliska Ciidanka Somlia ee Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Lagu soo waramayaa in uu warqadiisa Is casilaada u dhiibay Madaxweynaha Federaalka Somalia ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa is casilaadiisa ku sababeeyay duruufo keenaysa in uu ka tago xafiiska taliyada ciidanka Somalia.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa diiday ayaa diiday is casilaad uu sameeyay Taliyaha Bilayska Cabdi Xasan Xijaar.

Madaxweynaha ayaa taliyaha u sheegay inuu ka laabto dalabkiisii ​​ahaa inuu shaqada ka tago, isagoo u ballan qaaday in cabashadiisa wax laga qaban doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*