Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Somalia Odawaa Yuusuf Raage Oo Ka Hadlay Ciidamadii Ka Gadooday Mushahar La’aanta Ee Wadoonka Xidhay.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Somalia ee Odawaa Yuusuf Raage ayaa qirtay in ay jiraan qaar ka mid ah ciidamada Somalia oo aan helin mushaharkooda sidoo kale qirtay in ay sabab u tahay in uu khal-khalay nidaam gaar u ah oo Ciidanka loo siin jiray mushaharkooda bil walba.

Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in khalad ka dhacay nidaam ay ciidamadu ku heli jireen mushaharkooda in uu khal-khalay iyada oo la ogaaday in Hal Account in ay wada lahaayeen 2 ama 3 Askari sidaas darteed la bilaabay in isku shaandhayn lagu sameeyo waliba la soxo arintaas.

Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa ciidamada Xooga dalka uga digay in ay sameeyaan dhacdadii ay 17-kii bishan ku xidheen mid ka mid ah wadooyinka ugu waaweyn Muqdisho.

Odawaa Yuusuf Raage ayaana sheegay in arintaas haatan lagu jiro in la soxo khaladka waliba ay ciidamadu heli doonaan mushaharkooda oo dhamaystiran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*