Waa Maxay Arimaha Sababta U Noqda Furitaanka Ama Kala Taga Lamaanaha Is Qaba?

Furriinku waa shayga ugu dambeeya ee maskaxda qofkasta oo damacsan inuu guursado, laakiin nasiib xumo tani waxay ku dhici kartaa dhowr arimood sida Niyad Jab, Cadho, Xanaaqa iyo sababo kale oo badan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa sababaha keena furitaanka Labada qof ee si qaba.

1.Khiyaamada Lamaanaha:

Inta badan sababta ugu weyn ee keenta kala tagista lada qof ee is qaba ayaa ah in uu midkood sameeyo khiyaamo kadib marka uu ka cadhoodo dhinaca kale.

2.Arimaha dhaqaalaha:

Lacag la’aanta ayaan si toos ah u keenin in ay labada qof ee is qaba kala tagaan laakiin waxa keenta khilaafka ka yimaada sida loo maamulayo dhaqaalaha qoyska taas oo ay labada qof isku dhacaan waxa uu midba doonayo in uu isticmaalo.

3.Xidhiidh La’aanta Labada qof:

Xidhiidhka ayaa ah arinta ugu muhiimsan ee xoojisa xidhiidh walba oo guur sidaas darteed xidhiidhka xun ee labada qof ka dhexeeya ayaa sbaab u noqon kara in ay labada qof kala tagaan.

4.Isku Gacan-qaad ka dhex dhaca labada qof.

Guurka ka dhexeeya laba qof ayaa noqonaya mid aad u adag gaar ahaan hadii uu mid ka mid ah labada qof ee is qaba u gacan qaado midka kale inta badan Ragga ayaa u gacan qaada Dumarka taasna waxa ay sabab u noqotaa in uu dhoco kala tag labada qof ah.

5.Khilaafka badan:

Waxa muhiim ah in la xaliyo khilaafka waliba si dagan si uuna xidhiidhku u xumaan laakiin hadii uu aad u badnaado khilaafka ka dhex dheca labada qof ee is qaba waxa ay arintaas keenaysaa in ay labada qof kala tagaan.

6.Guurka Wakhtiga Hore Ah:

Guurka ayaa ah Mashruuc adag dhalin yaro aad u badan ayuuna ku keeni karaa dhibaato marka ay guursadaan sidaas darteed guurka wakhtiga hore ah waxa uu ku dambeeyaa in ay labada qof kala tagaan.

7.Kulanka Sariirta:

Xidhiidhka labada qof ee is qaba ku dhexmara sariirta ayaa door weyn ka qaata guusha guur walba laakiin hadii uu xumaado xidhiidhka kulanka sariirta ee labada qof ee is qaba shaki la’aan guurkooda ayaa ku damabyn doona kala tag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*