Waa Maxay Sababta Ay Puntland Ugu Faraxday Fashilkii Ay Somalia Ku Fashilantay Wadahaladii Somaliland & Somalia.

Dowlada Somalia ee uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u muuqata mid aan guul ka soo hoyn wadahadaladii ay la gashay Somaliland ee ka dhacay Dalka Jabuuti.

Wafti culus oo uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waji-gabax kala kulmay wadahadalada iyaga oo aan wax ujeedo ah kala bixin shirkii shalay ka dhacay jabuuti.

Arintaas ayaa farxad weyn u ah Maamul Goboleedka Puntland kaas oo si kulul uga hadlay wadahadalada Somaliland & Somalia iyaga oo ka biyo diiday wadahadalada labada dhinac.

Afhayeenka Madaxtooyada Putland Jaamac Dabaraani Ayaa si kulul uga hadlay Wadahadalada iyo waliba in aan Puntland laga qayb dhigin wadahadalada maadama ay Puntland Xuduud la leedahay Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyada Putland Jaamac Dabaraani Ayaa sheegay in ayna wadahadalada Labad dhinac in ayna waxba ka soo bixi doonin ama aan go’aan Masiiri ah laga gaadhi doonin.

Waxana dhacday isla sidii uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Putland Jaamac Dabaraani Iyada oo ayna labada dhinac ee Somaliland Iyo Somalia ayna wax muhiim ah ka soo gaadhin wadahaladii dhexmaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*