Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Somalia & Xanuunka Korona.

Xanuunka Korona ayaa si xawli ah ugu sii badanaya Somalia iyada oo Haatan Samlia noqotay wadanka 90-aad ee ugu Kiisaska badan Adduunka kadib warbixintii ugu dambaysay ee la soo saaray.

Somalia ayaa ilaa haatan laga diwaan galiyay Kiisas dhan 2.023 Kiis oo xanuunka Korona ah iyaga oo ay u dhinteen 79 qof halka ay ka soo kabsadeen 361 qof xanuunka.

Dhanka Geeska Africa Somalia ayaa ah wadanka ugu dhimashada badan xanuunka Korona iyaga oo ka badan wadamada ay jaarka yihiin ee Djibouti oo ay xanuunka u dhinteen 24 qof, Ethiopia oo ay u dhinteen 12 qof iyo Kenya oo ay u dhinteen 69 qof.

Dhanka Soo Dadka ka soo bogsaday xanuunka Somalia ayaa ah wadanka ugu yar geeska Africa marka loo bar-bar dhigo wadamada ay aadka isugu dhawyihiin ee ay jaarka yihiin.

Somalia waxa xanuunka soo bogsaday 361 qof marka loo bar-bar dhigo Kenya oo ay ka soo bogsadeen 482 qof, Djibouti ay ka soo bogsadeen 1,521 kaliya Ethiopia oo ay ka soo bogsadeen xanuunka dad dhan 217 ayaa ka yar Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*