WARBIXIN: LABA Qaab Oo Ay U Dhici Karto Doorashooyinka Somalia

Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Somalia ayaa maanta Khudbad ka soo jeediyay Golaha Baarlamaanka xilli muran weyn ka taaganyahay doorashada Somalia ee 2020/2021.

Gudoomiyaha Doorashooyinka Marwo Xaliimo Yarey ayaa Soo bandhigtay 2 Hab ama 2 qaab oo ay u dhici karto doorashooyinka Somalia intii ay khudbada soo jeedinaysay.

Halkan Hoose Kaga Bogo 2-da qaab ee ay u dhici karto doorashooyinku:

Qaabka 1-aad

Gudoomiyaha ayaa tilmaantay in sida ku xusan sharciga doorashooyinka, nooca diiwaangelinta codbixiyaha ay noqoto habka casriga ah ee Biometric-ga, kaasoo u baahan hawlo ay kamid yihiin:

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in si ay u qabtaan doorasho habkaasi ku dhacda uu guddigeedu u baahan yahay muddo 13 bilood oo ka billaabaysa July 2020 kuna eg August 2021.

Waxa ay intaa ku dartay in habkaasi aan lagu hirgelin karin waqti kooban ee ka harsan doorashada baarlamaanka oo la filayo inay dhacayso 27 November 2020.

Qaabka 2-aad:

Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo bandhigay hab labaad oo ka duwan kan hore, uuna sheegay inuu ka waqti iyo kharashba yar yahay.

Waa habka diiwaangelinta gacanta ee isla maalinta codbixinta, kaasoo dadka codkooda dhiibanaya lagu diiwaangelinayo gacanta isla maalinta codbixinta iyada oo la adeegsanayo diiwaan qoraal ah.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in si ay u qabtaan doorasho habkaasi ku dhacda uu guddigeedu u baahan yahay muddo 9 bilood oo ka billaabaysa July 2020 kuna eg March 2021.

Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka dhacdo codbxintii ugu horreysay ee dimuqraadi ah muddo 50 sano kabadan. Xisbiyo badan oo si kumeelgaar ah loo diiwaangeliyay ayaa doonaya inay u tartamayaan doorashadaasi baarlamaaniga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*