“Wax Isku Socod Ah Ma Jiraan”:- Somaliland Oo Ka Hadashay Qodobka Ogolaanaya Isku Socodka Shacabka Ee Somaliland & Somalia

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Ee Siciid Sulub Ayaa Sheegay In Ayna Waxba Ka qodobka isku socodka ah ee Somaliland iyo Somalai ee la isla dhexmarayo maalmihii ugu dambeeyay.

Waxa maalmihii la soo dhaafay shacabka Somaliland si weyn u hadal hayeen qodobadii ka soo baxay wadahadaladii Somaliland Iyo Somalia ee ay war-martiyeedka ka soo saartay Dalka dhex-dhexaadinayay ee Djibouti.

Wasiirka Wasaarada xanaanada xoolaha ee Siciid Sulub oo u waramaya mid ka mid warbaahinta ayaa wax laga waydiiyay isku socodka Somaliland & Somalia ee sida weyn loo hadal hayo maalmihii ugu dambeeyay.

“Qolada Koonfur iyo inagu waxa aan nahay kaaf iyo kala dheeri habeenkii shirka Djibouti waan ka wadahadalnay waxana uu ka mid ahaa qodobaadii aan isku mari waynay ugana baxnay shirka waxana ay ahayd is dhex-galka oo ay doonayeen”.

“dadku wuu is qoonsaday, wuu isku dhacay, bur-bur ayaa ku yimid dawladii inaga dhexaysay kadib waynu kala tashanay inaga oo aan heshiina dadku is dhex-gali maayaan”.

“Dadka 5-ta Somaaliyeed haatanba way is dhex-socdaan wixii aan siyaasad iyo nabad galayo ahayn 5-ta Somaliyeedba way is dhex-maraan haatanba waxa jira dad badan oo Koonfur ka soo jeeda oo jooga Gobolada Somaliland hadii ay yihii Ganacsato, Arday iyo noocyada kala duwan ee dadka”.

“Laakiin Ninka damacsan isaga oo Xamar xukuma in uu Hargiesa yimaad u suurtagali mayso ilaa aan wax ku heshiino”.

“Ciyaarahan iyo waxan la sheegayana waa iska sheeko caruureed, waxa kubad wada ciyaara laba dal oo Heshiiyay, sidaas darteed heshiis aya waxaas oo dhan ka horeeya”.

“Markaa waa doodii Reer Koonfureedka waxa aad maqlaysaan laakiin ma ahan wax ay Somaliland Gaadhay ama Ogolaatay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*