XASAASI: Puntland Oo Doonaysa In Ka Goosato Somalia Inteeda Kale.

Baarlamaanka Dowlada Goboleedka Puntland Ayaa saacadihii la soo dhaafau si adag uga dooday Arintii lagu ansixiyay matalaada Aqalka sare ee Gobolka Banaadir taas oo ay 27 bishan meel-mariyeen Golaka Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somalia.

Xubno ka mid ah xildhibaanada Puntland ayaa soo jeediyay in ay Puntland go’aan ka gaadho Dowlada Federaalka Somalia kuna dhawaaqdo madaxbanaani iyo waliba in ay ka goosteen Somalia inteeda kale.

Arintan ayaa imanaysa xilli ay Madaxtooyada Puntland khilaaf xoogan kala dhexeeyo dowlada Federaalka Somalia kuwaas oo isku khilaafsan arimaha doorashada iyo wadahaladii Dowlada Somalia la gashay Somaliland bilowgii bishan.

Si kasta ha ahaatee waxa la filayaa in ay Baarlamaanka Puntland warbixin ka soo saaraan Arinta matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka sare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*