Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Deegaanka Tukaraq Xilli Somaliland & Puntland Isku Hor Fadhiyaan Halkaas.

Xiisas dagaal ayaa ka tagaan Xuduudka U Dhexeeya Is maamul Goboleedka Puntland iyo Dowlada Somaliland iyada oo ay labada dhinac Tukaraq geeyeen Hubab kala duwan sida ay sheegayaan wararku.

Wararka ka imanay deegaanka Tukaraq ee gobolka Soo ayaa sheegaya in saaka xiisad laga dareemayo deegaanka taas oo u dhexaysa ciidamada Somaliland iyo Kuwa Puntland.

xiisadan ayaa timid kadib markii Dowlada Somaliland dhaq-dhaqaaqyo ka waday deegaanka Tukaraq kadib markii Somaliland ay halkaas gaysay ciidamo iyo waliba hubka noocyadiisa kala duwan iyada oo Ciidamada Somaliland isku balaadhiyeen deegaanada ku hareeraysan Tukaraq.

Ciidanka Puntland oo dhankooda ku sugan meel aan ka fogayn Tukaraq ayaa la sheegayaa in ay halkaas dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyeen iyada oo xalaada dheegaanku tahay mid culus inkasta oo ayna wax dagaal ah dhexmarin labada ciidan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*