Baarlamaanka Dalka Gambia Oo Wasiirka Arimaha Dibadda Su’aalo Ka Waydiiyay Qadiyada Somaliland.

Baarlamaanka dalka Gambia ayaa su’aalo ka waydiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Arimaha Qadiyada Somaliland xilli ay ku jireen Kal-fadhi Su’aalo iyo jawaabo ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Gambia ayaa hadalkiisa ku bilaabay in dal ahaan iyo waliba Adduun ahaan laga aqoosanyahay kaliya Dalka Somalia isaga oo sheegay in african union iyo waliba Waliba qaramada Midoobay ay kaliya Aqoonsanyihiin Dowlada Federaalka Somalia.

Kadib khudbadii Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa la bilaabay in su’aalo laga waydiiyo arimaha Somaliland iyo qadiyadeeda iyaga oo xitaa wax ka waydiiyay sidii ay dal ahaan uga qayb noqon lahaayeen wadahadalada Somaliland Iyo Somalia.

Dooda qadiyada Somaliland ayaa soo baxaysa maalin kadib markii dalka Taiwan uu xidhiidh dublamaasiyadeed la sameeyay Somaliland.

Qaar ka mid ah Paarlamaanka Gambia ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi ku cidhiidhinayay in ay ka qayb qaataan qadiyada Somaliland iyo waliba in ay noqoto wadan madax banaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*