Beesha Caalamka Oo Ka Fal Celisay Xil Ka Qaadistii Ra’isal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.

War saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen Qaramada, Ururka IGAD, Ururka IOC, iyo Midawga yurub ayaa ka hadlay go’aankii xilka looga qaaday Ra’isal Wasaaraha Somaliya Xasan cali Khayre.

Golaha Baarlamaanka Somaliya ayaa Kalsoonida kala laabtay Ra’isal Wasaaraha Somaliya ee Xasan cali khayre taas oo khal-khal siyaasadeed oo xoogan galisay Somaliya.

Ururuada kor ku xusan ayaa wal-wal ka muujiyay xaalada dalka iyo waliba is badalada deg-dega ah ee ka dhacay dalka Somaliya kadib markii la casilay Ra’isal Wasaaraha.

Ururada kor ku xusan oo ah saaxiida Dowlada Somaliya ayaa sheegay in ay xaalad adag oo dhanka siyaasada soo wajahday dalka kadib xil ka qaadistii Ra’isal Wasaaraha.

Qaramada, Ururka IGAD, Ururka IOC, iyo Midawga yurub ayaa ku baaqay in wada jir siyaasadeed laga gaadho dalka waliba si deg-deg ah loo xaliyo arintan waliba loo baahanyahay doorashooyin wakhtigooda ku dhaca.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*