Dalka Maraykanka Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiis Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in ay qoomameyneyso ficilladii ay Madaxweynaha iyo Aqalka Hoose ee Dowlada Federaalka Somalia xilka uga qaadaan Ra’iisul Wasaare Cali Xasan Khayre iyo dowladdiisa taasi oo sii kicisay xiisada siyaasadeed isla markaana curyaamisay hanaankii wadahadaladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya & Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah, Hannaankaan aan joogtada aheyn waa dib u dhac ku yimid ajandaha dib u habeynta ee ay Soomaaliya ku dooneysay taageerada Mareykanka, Deganaanshaha Soomaaliya, xasilloonida, iyo barwaaqada waxaa lagu dhisi karaa oo keliya iskaashi, isuduwid, iyo isu tanaasulidda hoggaamiyeyaasha Soomaaliya; haddii shaqsi ama hay’ad doonaysa inay xukumaan kuwa kale, waxay dhaawaceysaa xasilloonida dalka oo dhan.

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in ay sii wadayso inay carrabka ku adkeyso in dariiqa kaliya ee loo maro waqtigii loogu talagalay, nabad, doorashooyin federaali ah oo la hirgaliyo ay tahay wada tashi ballaaran iyo wada hadal wax ku ool ah oo dhexmara daneeyayaasha. Samaynta qaab doorasho oo la wada shaqeyn karo, oo la aqbali karo oo muhiim ah ayaa fure u ah dhowrista amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, Mareykanka wuxuu ugu yeerayaa dhammaan daneeyayaasha in ay si iskaashi leh ula shaqeeyaan ayna raadiyaan tanaasul si loo yareeyo halista qalalaasaha dastuuriga ah. Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah federaalka, baarlamaanka, iyo dhinacyada kale in ay sii wadaan wada shaqeynta si loo meel mariyo heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb.

Safaaradda Mareykanka ayaa ugu baaqeysa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, hay’adaha, iyo daneeyayaasha inay ka shaqeeyaan danaha ugu wanaagsan ee waddankooda halkii ay ka raadin lahaayeen danaha shaqsiyadooda, inay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan dhisidda is-afgarad ballaaran. Waxaan ka qaadi doonnaa tallaabooyin ka dhan ah kuwa wax laaya ee doonaya in ay carqaladeeyaan horumarka Soomaaliya ee ku wajahan xasilloonida, nabadda, maamul loo dhan yahay, iyo barwaaqo. Ma doonayno in Soomaaliya ay ku socoto jihada qaldan. Mareykanka ayaa weli ah wadashaqayn adag oo daacadnimo leh dadka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaashaas sii wada laakiin danaha ugu wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed marka hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*