Dalka Shiinaha Oo Si Kulul Uga Hadlay Heshiiskii Dhexmaray Somaliland Taiwan

Dowladda Shiinaha ayaa si kulul uga hadashay heshiiskii ay shalay shaaciyeen Somaliland iyo Taiwan kuba kala saxiixdeen xidhiidhka Diblomaasiyadeed.

Somaliland iyo Taiwan ayaa shaaciyay in ay labada caasimadood ka kala furan doonaan xafiisyo iyaga oo sidoo kale kala saxiixday heshiisyo ay dhinacyo badan ku kala saxiixan karaan.

Wasiirka Arimaha Dibadda Taiwan ayaa xitaa sheegay in ay Somaliland tahay wadan madax banaan oo Xoriyadooda haysta muddo 30 sano ah sidaas darteed ay heshiis wada galeen.

Laakiin Dowlada Shiinaha gaar ahaan safaarada uu Shiinuhu ku leeyahay dalka Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa Twitter-kooda si kulul uga hadlay shiiska ay galeen Somaliland iyo Taiwan.

“Uma oggolaanayno in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu Shiinaha Ka Gooyo Dhulkiisa wakhti kasta ama qaab kasta, Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*