DEG-DEG: Al-shabaab Oo Dishay Masuul Ka Tirsan Baarlamaanka Hirshabelle

Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay dileen Masuul ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle Kaas oo ka safrayay magaalada Jowhar kuna sii jeeday magaalada muqdisho.

Al-shabaab ayaa la sheegayaa in ay joojiyeen gaadhigii uu saarnaa kadib Afduubteen ka hor inta ayna dilin Masuulka ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle.

Masuulka ay Al Shabaab Dishay ayaa lau magacaabaa Mohamed Mohamoud Huurshe waxana lagu dilay waqooyiga Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Dhacdadan ayaa imanaya 24 saac kadib markii ay Al-shabaab weeraro talan-taali ah ku qaaday goobo ka tirsan Somalia qaraxyana ka gaysteen magaalada muqdisho Iyo Baydhabo.

Dhacdooyinkan ayaa cadayn u ah maalmihii ugu dambeeyay soo badnayaan weerarada ay Al-shabaab ku hayso meelaha kala duwan ee Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*