DEG-DEG: Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadista Ra’iisal Wasaaraah Dowladiisa Xasan Cali Khayre.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed ayaa ka hadlay xil ka qaadista Ra’iisulaha Dawladiisa Xasan Cali khayre kaas oo ay maanta xildhibaanada Golaha Baarlamaanku kalsoonida kala laabteen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo Ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu si deg-deg ah u soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*