DEG-DEG: Madaxweynaha Somaliya Farmaajo Oo Ra’iisul Wasaare Ku Meel Gaadh Ah Magacaabay Kadib Markii Xilka Laga Qaaday Xasan Cali Khayre

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaare Ku meel gaadh ah u magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaas oo sii wadi doona Hawlada xukuumada inta laga magacaabi doono Ra’iisal wasaare cusub.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne xilka si ku meel gaadh ah ugu dhiibay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) saacado kadib markii golaha Baarlamaanka Somaliya xilka ka qaadeen Ra’iisul Wasaare xasan cali khayre.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa awood u yeelan doona in uu qabto hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*