DEG-DEG: Xanuunka Korona Oo Si Xoogan Ugu Sii Faafaya Somaliland

Wasaarara Horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in ay dalka maalmihii ugu dambeeyay ku soo badanayaan kiisaska xanuunka Korona.

Wasaarada ayaa sheegtay in kiisaska guud ee Somaliland ay kor u dhaaftay 800 oo kiis xilli gabi ahaan dalka laga qaaday xayiraadii uu ku jiray muddo bilo ah taas oo sii badisay xanuunka.

Wasaarada ayaa sheegtay in 3-dii maalin ee la soo dhaafay la baadhay 226 oo qof iyada oo xanuunka laga helay 18 qof dadka laga helay xanuunka 16 waxa ay daganyihiin magaalada Hargiesa halka 2 qof ee kale joogaan Burco.

Guud ahaan dadka xanuunka laga baadhay tan ilaa markii uu dalka soo galay ayaa ah 4,815 qof iyada oo dadkaas la baadhay 837 qof laga helay xanuunka Korona.

Dadka ilaa haatan xanuunka u dhintay Somaliland ayaa gaadhay 29 qof halka tirada guud ee dadka xanuunka ka soo bogsaday ay gaadhayso 563 qof iyada oo dadka Karantiilka ku jiraan tahay 10 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*