Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Lagu Xidh-Xidhay Dad U Dabaal-Dagay Maalinta Qaranimada Somalia.

Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya ayaa lagu soo waramaya in lagu xidh-xidhay dad shacab ah oo ku dhaqan halkaas una dabaal dagay maalinta xoriyada Somalia ee 1 Luulyo.

Shalay ilaa xalay ayaa Somalia looga dabaal dagayay maalinta qaranimada Somalia oo ah maalintii ay xoriyada ka qaadatay gumaystihii Talyaaniga 1960-kii.

Dowlada Deegaanka Somalida ee Itoobiya gaar ahaan caasimada Jig-jiga ayaa la sheegayaa in lagu xidhay dad dhalin yaro ah oo u dabaal dagayay maalinta Xoriyada Somalia kuwaas oo xidhnaa calaamado muujinaya calanka Somalia ee buluuga ah.

Wararka aanu ka helayno Jig-jiga ayaa sheegaya in la xidh-xidhay dad u dhexeeya 8 ilaa 10 qof kuwaas oo xidhay calanka Somalia ee buluuga ah una dabaal dagayay maalinta xoriyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*