Dowlada Federaalka Somalia & Madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha Ka Ah Oo Ku Kulmaya Dhuusomareeb

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa maanta dhamaantood dib ugu soo laaban doona magaalada Dhuusomareeb oo uu dib uga furmi doono wadahadalo ay u dhanyihiin dowlada Federaalka Somalia iyo maamul Goboleedyada xubnaha ka ah.

Waxa sidoo kale la filayaa in uu saacadaha soo socda ee maanta Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u duulo magaalada Dhuusomareeb si uu galinka dambe u gaadho halkaas.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa ka tagay Dhuusomareeb si ay uga qayb qaataan Aaskii qaran ee loo sameeyay Xasan Abshir kaas oo lagu aasay Garoowe.

Waxa la filayaa in madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ku wada laabtaan xarunta galmudug ee Dhuusomareeb.

Dhuusomareeb ayaa markan lagu qaban doonaa shir ka dhexeeya madaxda maamul goboleedyada iyo Dowlada Federaalka kadib markii bilowgii bishan halkaas ku kulmeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*