Faysan Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xasaanadii Ay Golaha Wakiilada Somaliland Kala Laabteen

Gudoomiyaha Xusbiga Mucaaridka ah ee Faysal Cali waraabe ayaa Afka furtay kana hadlay go’aankii ka soo baxay Gudidda joogtada ah ee Golha wakiiladu ay shalay kaga qaadeen hogaamintii xusbiga mucaaridka ah ee UCID.

Shalay ayay Gudidda joogtada ah ee Golhaha wakiiladu soo saareen qoraal ay ku xaqiijiyeen in si Rasmi ah Faysal cali waraabe looga qaaday xilka Hogaaminta Xusbiga mucaaridka ah ee UCID oo uuna ahayn mid matala xusbiyada qaranka Somaliland.

Golaha Wakiilada ayaa Faysal cali waraabe ku eedeeyay in uu Aflagaadeeyay qaar ka mid ah Beelaha Somaliland gaar ahaan kuwa Bariga ee Sool Iyo Sanaag.

Faysal oo arintaas ka hadlaya BBC-da ayaa yidhi”Anigu xubin baarlamaan ma ihi sababta oo ah Xubinta Baarlamaanka ayuu Baarlamaanku xasaanada ka qaadi karaan”.

“Laakiin Xildhibaanadu xusbiyada xasaanad kama qaadi karaan waana arin la yaab leh ayay noqotay 3-da xusbi iyo Madaxweynaha ayaa arinta ka wadahadlay”.

“Arintaas Madaxweynaha ayaan u daynay waana arin lama filaan ah oo aan sharciba ahayn ee lagu dhaqaaqay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*