Gudoomiyaah Xusbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Faysal Cali Waraabe Oo Dacwad Laga Gudbiyay

Garyaqaanka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in ay dacwad ka gudbiyeen gudoomiyaha Xusbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe.

Garyaqaanka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa tilmaamay in ay dacwadooda ku saleeyeen Anshaxa, Nolosha Bulshada, Arimaha Nabad galyada, Midnimada iyo qodobo kala duwan.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 1/7/2020 Golaha wakiilada uu dacwad ka dhan ah gudoomiyaha Xusbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe u gudbiyay Xeer ilaalinta”ayuu yidhi.

“Dacwadaas ayaa la xidhiidha eedo iyo Fal Dambiyeedyo xad gudub ku ah dastuurka iyo xeerar kale oo ay ka mid yihiin xeerka ururada iyo nidaamka ururada iyo Asxaabta siyaasada iyo xeerka ciqaabta guud ee uu ku kacay gudoomiyaha Xusbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe”.

“Waxa aan rajaynayanaa in laamaha garsoorka gaar ahaan haayada u xil saaran oogista dambiyada noocan oo kale ah xeer ilaalinta guud in ay naga aqbali doonto”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*