Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Ee Waddani & UCID Oo La Kulmay Safiirka Midowga Yurub Ee Nicolas Berlanga & Waxyaabihii Ay Ka Hadleen

Gudoomiyayaasha xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo UCID ee Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Ayaa la kulmay Safiirka Midowga yurub ee Nicolas Berlanga.

Safiir Nicolas Berlanga Iyo Labada Hogaamiye Mucaarid ayaa ka wadahadalay sidii ay u qabsoomi lahayd doorashooyinka isku titkan Golaha wakiilada Iyo Golaha deegaanka.

Sidoo kale labada masuul ayaa safiirka kala hadlay miisaanka doorashooyinka iyo diwaan galinta codbixiyayaasha iyada oo la sheegayo in ay labada masuul safiirka kala hadleen sidii ay beesha caalamku u kordhin lahayd kaalmaha ay Somaliland siiyaan.

Kulanka ay masuuliyiinta Mucaaridku la qaateen safiirka ayaa ku soo beegamaya maalmo kadib markii ay xukuumada & Xisbiyada mucaaridku ku dhawaaqeen in sanadkan gudihiisa la qaban doono doorashooyinka golaha wakiilada iyo golaha deegaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*