Itoobiya Oo Ka Digtay Sal Dhiga Militari Ee Ay Masar Ka Doonayso Somaliland, Maxay Tahay Sababtu.

Dalka Ethiopia ayaa Masar uga digtay in ay Saldhig Ciidan ka samaysato Somaliland maamama uu khatar weyn ku yeelan doono Amaanka gobolka Bariga Afrika.

Fal Celiskan ayaa imanay maalmo kadib markii wefti Masar ah ay la kulmeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kaas oo ku soo dhaweeyay magaalada Hargeysa halkaas oo ay labada dhinac ka wadahadleen soo jeedinta Masar kuwaas oo dalbaday xarun millatari.

Danjire Dina Mufti oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa u sheegay The Nation”Maadama ay yihiin dal madaxbanaan, Masar waxa ay xaq u leedahay in ay xidhiidh la samayso dal walba oo Gobolka ka tirsan”.

“Si kasta ha ahaatee hadii uu Joogista Masar khatar ku noqon karo Gobolka taasi ma haboona”.

“Hadii ay arintu sidaas tahay waa in aan ka wal-walno waxa dhacaya, waxa aan rajaynayaa in ayna noqon in looga faa’iidaysto Itoobiya ama wadan kale oo jaarka ah haddii ay sidaas tahay, waxay noqon doontaa sharci darro ka soo hor jeeda Nabada caalamiga ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*