Kenya Oo Xaqiijisay In Ay Safaarad Ka Furan Doonto Somaliland.

Xidhiidhka Somaliland iyo Kenya ayaa u muuqda mid meel fiican maraya Iyada Oo Nairobi haatan doonayso in ay xidhiidh Diblomaasiyadeed la gasho Hargiesa taas oo noqon doonta talaabo horumar leh oo Somaliland ka caawinaysa Aqoonsi caalami ah.

Somaliland oo u gaajaysan aqoonsi ayaa bilihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaq xoogan ka samaysay adduunka iyaga oo xidhiidho kala duwan la galay dalal kala duwan oo adduunka ah.

Kenya oo haatanba xidhiidh ganacsi oo fiican la Leh Hargiesa ayaa Somaliland ku amaantay in ay deegaan u tahay boqolaal dad Kenya ah kuwaas oo ku nool kana shaqaysta Somaliland.

Xidhiidhkaas ayaa haatan Albaabka u furaya In Ay Kenya Safaarad ka furato Hargiesa waliba ka caawiyaan in ay ku biiraan Qaramada Midoobay Inkasta oo ayna shaacin wakhtiga Rasmiga ah ee la furi doono safaaradaha.

“Dadka reer Kenya way u mahad celinayaan Somaliland sababta oo ah Somaliland ayaa ah Guriga 2-aad ee Dadka reer Kenya iyada oo dad aad u badan oo Kenyaan ah ku noolyihiin, sidaas darteed Kenya waxa ay ka shaqaynaysaa in ay safaarad ka furato Hargiesa”ayuu yidhi isku xidhaha Somaliland iyo Kenya.

Hadalkan ayaa imanay bil kadib markii wafti kenya ka socda booqdeen Somaliland halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*