Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Dani Oo Kashifay Cida Ka Dambaysay Xil Ka Qaadistii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sharci daro ku tilmaamay xil ka qaadistii RaĆ­isalwasaare Xasan Cali Kheyre iyo xukumadiisi.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa Xil ka qaadista RaĆ­isalwasaare Xasan Cali Khayre ku eedeeyay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaaji.

Arintan ayaa imanayda maalmo yar kadib markii Golaha Baarlamaanka Somaliya ay kalsoonida kala laabteen Ra’iisal Wasaaraha iyo waliba xukuumadiisa sidaasna looga qaaday xilka dowladanimo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan ka xumahay wixii ka dhacay Baarlamaanka Somaliya”.

“Waxan rabaa in aan bulshada Soomaaliyeed u cadeeyo in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ee Xasan Cali Khayre diyaar u ahaa in uu fuliyo wixii lagu heshiiyay waliba noo sheegay waxyaabaha iyo sida ay u fuli doonto waliba uu doonayay in uu dalka gaadhsiiyo doorasho wakhtigeeda ku dhacda waliba ahayd mid ay cid walba filaysay oo ahayd doorasho dadban”.

“Xilka sida sharci darada ah looga qaaday waxa sabab u ahayd in uu si daacad ah u doonayay in uu fuliyo go’aanadii ay ku heshiiyeen madaxda dowlada Federaalka iyo waliba kuwa Xubnaha ka ah”.

“Cidii xilka ka qaadayna waxa ay muujinaysaa in ayna daacad ka ahayn wixii lagu heshiiyay shirkii dhuusamareeb waliba ujeedo kale wadatay”.

“Iyada oo aan waxba lagu soo eedayn, iyada oo aan laga doodin ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanku sheegay in uu xilkii ka qaaday Ra’iisal wasaaraha, waxana arin la yaab ah in uu Madaxweynaha dowlada Federaalka oo ku cel-celin jiray in uu ilaalinayo dastuurka si deg-deg ah ku aqbalay arintaas sharci darada ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*