Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Kashifay Sababta Keentay In Ay Beesha Caalamku Hadal Hayeen Somaliland Bilihii Ugu Dambeeyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta tababar usoo xidhay dufcaddii 32-aad ee katirsan ciidamada kala duwan dalka oo ka qalin-jebisa dugsiga tababarka ciidanka Mandheera ee Lixle.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay cida sababta u ah hadal haynta Somaliland ee beesha caalamka bilihii ugu dambeeyay.

Somaliland ayaan todobaadyadii ugu dambeeyay xidhiidho diblomaasiyadeed la sameeyay wadamo adduunka ah halka ay sidoo kale qaar kale xidhiidho la bilaabeen.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Somaliland & Maanta Waxa aad la socotaan dhamaanteen caalamka dadka wararka baahiya Af kasta oo ay ku hadlaan iyo meel kasta oo ay yihiinba waxa aad loo hadal hayaa magaca Somaliland”.

“Waxa lagu hadal hayaa wax kale ma ahan waa intii ay shacabka Somaliland qabteen, dad is ogol, khilaafkooda xalista, horumar doonaya cid ayna Ictiraafsanayn, dalkooda dhisanaya, qof walba halkiisa iska xil saarayo waxa ay cid walba ugu muuqataa in ay Somaliland tahay dal iyo dad wax lala qabsan karo oo jira oo aan indhaha laga qarsan karin markaas adduunka oo dhan aay taagantahay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*