Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Si Maldahan Fariin Ugu Diray Dowlada Federaalka Somaliya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa fariin u diray Dowlada Federaalka Somaliya xilli uu tababar u soo xidhay ciidamo ka tirsan Dowlada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta tababar usoo xidhay dufcaddii 32-aad ee katirsan ciidamada kala duwan dalka oo ka qalin-jebisa dugsiga tababarka ciidanka Mandheera ee Lixle.

Madaxweynaha oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan u sheegaynaa caalam-ka & wadamada aan jaarka nahay In aanu nahay dad Aaminsan kuna dhaqmaya nabad”.

“Jaarkayaga oo dhan dhinac walba oo ay naga xigaan waxa aan u fidinaynaa Gacan nabadeed, waxana aan doonaynaa in aanu hab nabad galyo u wadahadalno hadii aanu is qabano”.

“Dad waayo arag ah oo ka soo daalay dagaal iyo qaxna ma doonayno Nabad ayaanan u haynaa dalalka dariska”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*