Puntland Oo Aan Ka Qayb Gali Doonin Shirka Wadatashiga Qaran Ee U Dhexeeya Dowladaha xubinta ka ah Dowlada Federaalka Somalia

Dowlad goboleedka Puntland ayaa xaqiijisay inaysan ka qeyb geli doonin shirka wada tashiga qaran ee soo socda ee u dhexeeya Dowladaha xubinta ka ah Dowlada Federaalka iyo Dowlada Federaalka ee ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Khudbadiisii ku aaddanayd xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya ee magaalada Galkacyo, ayuu Saciid Cabdilahi Deni ku xaqiijiyay in go’aankiisi yahay inuu ka fogaado kulanka wada tashiga waliba doonayo in jaan qaadayo go’aanka baarlamaanka Puntland.

Saciid Deni wuxuu cod dheer ku dhaleeceeyay kuraasta senate-ka Banaadir isaga oo sheegay in qorshahan loogu talagalay in lagu dumiyo Aqalka Sare iyo Nidaamka Federaalka.

Saciid Cabdilahi Deni ayaa sidoo kale si adag uga soo horjeestay dib-u-dhigga doorashada federaalka muddo bilo ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*