Qaar Ka Mid Ah Wasiiro, Xildhibaano & Masuuliyiin Kale Oo Ka Tirsan Oo Loo Diiday In Ay Ka Qayb Galaan Xafladii Dabaal Daga 1 Luulyo Ee Ka Socotay Madaxtooyada Somalia.

Waxa xalay Magaalada Muqdisho gaar ahaa Madaxtooyada Villa Somalia lagu qabtay dabaal daga xuska maalinta qaranimada Somalia ee 1 Luulyo oo ku beegan maalintii ay Somalia xoriyada ka qaadatay Dalka Talyaaniga.

Warar ka soo baxaya Villa Somalia ayaa sheegaya in uu khal-khal ka jiray madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia kadib markii masuuliin ka tirsan Dowlada loo diiday in ay ka qayb galaan xaflada xuska Maalinta 1 luulyo.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah wasiiro, Xildhibaano iyo waliba masuuliyiin kale loo diideen in ay galaan madaxtooyada Villa Somalia sabab la xidhiidha baqdin laga qabay Maleeshiyada Al-shabaab kuwaas oo bilihii ugu dambeeyay hubab ku soo ridayay Agagaarka Madaxtooyada.

Ciidamada Amaanka Madaxtooyada Villa Somalia ayaa masuuliyiintaas u diiday in ay galaan sabab la xidhiidha baqdin laga qabo xarakada Al-shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*