Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Afka Furtay Kana Hadlay Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay.

Ra’iisal Wasaarihii Hore ee Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xil ka qaadistii ay Golaha Baarlamaanku ku sameeyeen.

Golaha Baarlamaanka Somaliya ayaa shalay u codeeyay in ay kalsoonida kala laabtaan Ra’iisal wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre Sidaasna shaqada looga fadhiisiyo.

Ra’iisal wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa Muqdisho ka maqnaa markii ay dhacday in xalka laga qaado isaga oo wakhti dambe oo galabtii ahayd ku soo laabtay caasimada.

Xasan cali khayre ayaa isla markiiba aaday madaxtoyada Villa Somaliya isaga oo halkaas kula hadlay saxaafada kagana hadlay xil ka qaadistiisii.

Raiidal Wasaaraha Oo Arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Anigu waxa aan umada Somaliyeed ugu adeegayay daacadnimo, karti Iyo Hufnaan Aniga oo aaminsan in ay ahayd waajib dalkayga iga saaran”

“Mudadaas Xukuumada iyo aniguba waxa aan ku guulaysanay hawlo waaweyn waxa ka mid ahaa in aan dib u habayn ballaaran ku samayno ciidamada qaranka oo maanta soo gaadhay meel in ay u diyaarsanyihiin in ay la wadaagaan Amniga guud ee dalka”.

“In aan dib u habayn ballaran ku samaynay nidaamka maaliyada dalka iyo in aan soo celinay kalsoonidii uu caalamku ku qabay Somaliya taas oo keentay in Somaliya laga cafiyo lacagtii badnayd ee dalka lagu lahaa”.

“Dadaalkaas waxa uu ku dhacay soo jeed iyo iyada oo la galiyay wakhti badan, waxa aan la dagaalanay musuq-maasuqa, waxa aan ku guulaysanay bixinta mushaharka shaqaalaha iyo kuwa ciidamada”.

“Aniga oo og in wixii dhacay golaha shacabka ay ahaayeen sharci daro aan loo marin hab raacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, aniga oo og in ayna ku jirin ajandaha, Aniga oo og in aan laga doodin, aniga oo og in aan loo codayn, aniga oo og in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka”.

“Hadana Waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilkii ummadda Soomaaliyeed aan u hayay anigoo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*