Raiisel wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre Oo Ku Soo Laabtay Muqdisho Saacado Kadib Markii Xilka Laga Qaaday.

Raiisel wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ku soo laabtay caasimada Muqdisho saacado kadib markii Golaha Baarlamaanku Cod kaga qaadeen xilka Uu u hayo Dowlada.

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabduraxman ayaa sheegay in 170 Xildhibaan u codeeyeen in ay kalsoonida kala noqdaan Ra’iisal wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale Madaxweynah Somalia Farmaajo ayaa loo sheegay in uu sida ugu deg-dega badan ku soo magacaabo Ra’iisal wasaare iyo xukuumad cusub.

Raiisel wasaaraha ayaa muqdisho uga maqnaa hawl shaqo oo uu ka soo waday qaybo ka mid ah dalka Somaliya Gudihiisa.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in uu Raiisel wasaaruhu ka hadlo xil ka qaadista ay ku sameeyeen golaha baarlamaanku.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*