Sababtii Dhabta Ahayd Ee Uu U Baaqday Wadahadaladii Somaliland & Somalia Uga Furmi Lahaa Oo La Ogaaday.

Wadahadaladii todobaadkan uga furmi lahaa Somaliland Iyo Somalia ayaa dib u dhacay kaas oo la filayay in uu si Rasmi ah u furmo 11 bishan haatan lagu jiro kuna beegnayd sabtidii.

Gudiyada labada dhinac ayaa la filayay in ay sabtidii isugu tagaan dalka Djibout si ay halkaas uga sii wadaan wadahadaladii labada dhinac u bilowday bartamihii bishii june ee la soo dhaafay.

Laakiin wadahadalada ayaan qabsmoon iyada oo ayna gudi hoosaadkii la filayay in ay Djibouti aadaana ayna tagin lana filayo in wadahadaladu dib u bilowdaan todobaadyada soo socda.

Sababta ay wadahadaladu dib ugu dheceen ayaa la sheegayaa in ay tahay raadinta aqoonsiga Diblomaasiyadeed ee ay Somaliland ku jirtay todobaadyadii la soo dhaafay taas oo si weyn uga xanaajisay madaxda sare ee dowlada federaalka Somalia.

Somaliland ayaa samaysay dhaq-dhaqaaq aqoonsi raadi oo xoogan tan ilaa markii ay wadahalada la qaateen Somalia iyaga oo xidhiidh diblomaasiyadeed la sameeyay dalka Taiwan sidoo kale dalka imaaraadu aqoosaday baasaboorka Somaliland oo lagu tagi karo dalkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*