Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Somaliya Oo Lagu Dilay Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Ciidamad Booliska Somalia Kornayl Fayte ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska.

Waxa weerarka Arxan darada ah furliyay Rag ku hubaysan bastoolado ayaa ka dhacay nawaaxiga Tarabunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ciidamada booliska ayaa xaqiijiyay Kornayl Fayte dhawaan ahaa taliyaha guud ee dagmada hodan isaga oo xubin firfircoon ka ahaa howlaha sirdoonka Qaranka ka hor inta aan loo wareejin xilkan booliis.

Dhanka kale, dhowr hoobiye ayaa ku dhacay saldhiggii hore ee ciidanka Asluubta ee ku yaal daafaha caasimadda Muqdisho halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil Turki ah xilliga weerarka.

Shirkadda dhismaha ee Turkiga ayaa dhowaan dib u bilaabay dayactirka waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye halkaas oo ciidamada ammaanku ay ka sameeyeen dhawr kaantarool iyo jid-gooyo si ay u diidaan dadka lugeynaya iyo gaadiidkaba inay galaan wadadaas.

Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyada labada weerar. Kooxda ayaa dhowaan kordhisay weerarada ay la beegsanayaan saraakiisha dowladda iyo ciidamada dalka oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*