Shilal Ay Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Gobolka Gebilay Ee Somaliland

Laba Shil oo ay 3 qof ku dhinteen 3 kalena ku dhaawacmeen ayaa ka dhacay duleedka degmada Arabsiyo.

shilka hore dhacay 5 galabnimo ee shalay kadib markii ay isku dheceen gaadhi nooca biyaha lagu shubo ee booyada loo yaqaano iyo gaadhiga loo yaqaano Seeraf kaas oo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kale.

Shilka 2-aad ayaa dhacay wakhti ku dhaw 8 fiidnimo xalay kaas oo uu sababay isku dhaca laba gaadhi oo uu mid yahay gaadhiyada yar-yar Ah halka uu gaadhiga kale ahaa nooca gawaadhida xamuulka qaada.

Shilka 2-aad waxa ku dhintay 2 qof halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 2 qof oo kale taas oo tirade ka dhigaysa 3 qof oo ku dhintay iyo 2 qof oo ku dhaawacmay shilkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*