Shirkii Wada-tashiga Maamul Goboleedyada Somalia Oo Soo Xidhmay Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay.

Shirkii Wada-tashiga Maamul Goboleedyada xubinta ka ah Dowlada Federaalka Somalia kaas oo ka dhacay Magaalada Dhuursamareeb ahna xarunta Dowladd Goboleedka Galmudug.

Shirka ayaa socday muddo 2 saac iyo badh ah waxana ka hadlay dhamaan 5-ta madaxweyne ee maamul goboleedyada Somalia iyada oo inta badan laga hadlay doorashooyinka Fooda inagu soo haya.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa soo jeediyay khudbado kala duwan oo ay uga hadleen xaalada dalka hadii ay tahay dhanka Amaanka, Dhanka wax wada qabsiga iyo waliba doorashooyinka oo ahaa muhiimada 1-aad.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa shirka kadib xaqiijiyay in au maanta ahayd maalintii ugu horaysay ee shirka laakiin uu shirku sii socon doono maalmaha soo socda.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor  ayaa xaqiijiyay in la samayn doono gudiyo farsamo kuwaas oo sii wadi doona wada tashiga si xal looga gaadho dhibaatooyinkii ay soo hadal qaadeen madaxweynayaashu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*