Somaliland: Banaanbaxyo Ka Dhacay Gobolka Awdal & Dhalinyaro Hogaaminaysay Banaanbaxa & Sababta Keentay Banaanbaxaas.

Boqolaal dhalinyaro ah oo shalay galinkii dambe isugu soo baxay Fagaaraha khayryada Magaalada Boorama ayaa ka soo hor jeestay ay dhawaan gaadheen madaxweynaha Somaliland iyo labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani kaas oo ay ku sheegeen in uu yahay mid dhinac ka raran.

Dhalinyarada ayaa sheegay in dowladanimada Somaliland iyo saami qaybsiga Kuraasta baarlamaanka, xilalka kala duwan ee dalka ka jira laga majaro habaabiyay 1993 ilaa 1991-kii heshiisyadii kala duwanaa ee Borama iyo Burco.

Dhalinyarada banaanbaxaysay ayaa sheegay in uu ku meel gaadh ahaa wixii dalka lagu soo maamulayay wixii ka horeeyay 2010-kii.

Dhalinyarada ayaa sheegay in ayna marna ogolaan doonin awood qaybsi la’aanta ka jirta dowladnimada Somaliland, awooda u janjeeda dhinaca qudha iyo beesha kaliya.

Dhalinyarada ka soo jeeda Galbeedka Somaliland ayaa sheegay in ayna kaliya doonayn in ay 13 kursi ku lahaadaan dalka laakiin doonayaan in ay kala qayb qaataan maamulka dawlada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*