Somaliland Guul Ayay Ka Soo Hoysay Wadahadaladii Somalia Halkan Arin Ayaana Cadayn U Ah.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan maxamuud Adan oo saaka shir gudoominayay kal fadhi ay lahayeen xildhibaanada Golaha guurtida Somaliland ayaa ka hadlay wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland Iyo Somalia ee ka dhacay dalka Djibouti oo uu ka qayb galay.

Gudoomiyaha ayaa wadahadaladaas ku tilmaamay guul u soo hoyatay Somaliland xilli ay Xukuumada Somaliland dar-dar galinayso dadaalka Aqoonsi raadiska dalka.

“Waxa aan ka mid ahaa waftigii Somaliland ee tagay Djibouti mana jiro war arimaha dibada ah oo aan helay oo ka fiican midkii aan ka helnay Wadahadalada”.

“Tagitaanka Somaliland ee Wadahadalada Somalia waxa jira dad diidanaa laakiin guul ayaan u aragnaa anagu sababta oo ah markii hore adduunku dhaga ayuu inaga furaystay, xamar ayuu dhagaysanayay, Inaga la inoomaba jeedin laakiin haatan waxa aad moodaa in uu adduunku ina dhagaysto waana arin weyn”.

“Dalalka Maraykanka iyo Yurub ayaa markii hore ina hor fadhiyay laakiin haatan waxa aad moodaa in ay ka hor keceen, soo dhawayn ayaana halkaas ka muuqata, ma odhan karno guul ayaan gaadhnay laakiin waxa guul ah in layna dhagaystay oo dhagaha laynoo furay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*