Somaliland: Hogaamiyayaasha Degmada Qori-lugud Oo Lagu Eedeeyay inay La Shaqeeyaan Maamulka Puntland

Masuuliyiinta ama hogaamiyayaasha Degmada Qori-Lugud ayaa lagu soo eedeeyay in ay la shaqeeyaan maamul Goboleedka Puntland sida ay sheegayaan wararku.

Qaar ka mid ah Odayaasha iyo wax garadka iyo waliba dhalinyarada degmada qori-Lugud, codoodlay iyo waliba galbeedka Gobolka Buuhoodle ayaa cabasho ka muujiyay maamulka Degmada Qori-lugud iyo waliba xildhibaanada golaha deegaan ee degamada Buuhoodle kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeeyaan maamul Goboleedka Puntalnd waliba deegaamadaas ka wada hawlo gaar ah.

Odayaasha iyo wax garadka degmada qori-Lugud ayaa baaq u diray madaxweynaha Somaliland Muuse biixi cabdi, wasiirka arimaha dibada iyo waliba taliyaha booliska Iyo Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ina sheegay in ay ka soo jawaabaan cabashadooda.

Iyaga oo ka codsaday in wax laga qabto maamulka Degmada Qori-lugud iyaga oo waliba ku tilmaamay kuwo sharci daro ugu fadhiya kursiga hogaaminta muddo 30 sano ah.

Odayaasha ayaa sheegay in masuuliyiin ka socda dowlada Somaliya yimaadeen Qori lugud waliba hawlo iyo mashaariic ka fulinayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*