Somaliland Oo Beesha Caalamka Runta Uga Sheegtay Sababta Ay Dib Ugu Dheceen Wadahadaladii Somaliland & Somalia.

Madaxweynaha Dowlada Somaliland Muuxe Biixi Cabdi oo la kulmay safiirka Midowga Yurub ee Nicolas Berlanga ayaa u sheegay in sabata ay u baaqdeen wadahadaladii Somaliland kula jirtay Somalia ee ka socday dalka Djibouti.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen xisbiyada mucaaridka ayaa Nicolas Berlanga u sheegay in ay Somalia sabab u tahay in ay dib u dhacaan wadahadaladii uga socday dalka Djibouti.

Muuse Biixi ayaa Nicolas Berlanga U sheegay in ay Somaliland diyaar u tahay in ay bilowdaan wadahadaladii ay kula jireen Somalia laakiin ay muqdisho tiraba 2 jeer gudibisay cudur daar ay ka dhiibanayeen wadahadalada taas oo meesha ka saaraysa balantii ahayd in dib loogu soo wada laabto wadahadalada.

Wadahadalada Somaliland iyo Somalia oo la filayo in uu todobaadka dambe dib u furmo ayaa la filayaa in uu mar kale dib u dhac ku yimaado sabab la xidhiidha in ay Dowlada Federaalka Somalia ku hawlantahay shirarka maamul goboleedyada ee ka socda dhuusamarreeb iyo waliba doorashada dalka oo uu muran weyn ka taaganyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*