Somaliland Oo Looga Digay Xidhiidhka Ay L Samaynayso Dalka Masar.

Cabdirashiid jaamac yurub oo ka tirsan Xusbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Xukuumada Somaliland uga digay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay la samaynayso dalka Masar.

Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay xidhiidh la samaynayso dalka Masar kadib markii uu watfi qarsoodi ah yimid Magaalada Hargiesa sida ay xaqiijisay wasiir ku xigeenka Arimaha Dibadda Somaliland.

“Arinta Masar ma ahan arin khayr ugu jiro Somaliland, ma jirto meel aynu wax xidhiidh ah kula samaynay masar taariikhda waliba ay wax inaga caawisay”.

“Kaliya in uu wabiga Niil u shaqeeyo ayay ku shaqaysaa dagaalkii 1964 qor xun oo Ciidamada gacmaha goynaya ayay inoo keentay, xidhiidhka masar ma doonayno”.

“Waxa ay diidantahay laas geel oo Ahraamta ka horaysay sanado badan iyada ayaa ku fadhida, Xamar ayay Hub gaysaa, Itoobiya Ayaa Inaga inoo ehel ah”.

“Xidhiidhka Somaliland ee Masar waanu diidanahay wasiirku waa in uu iska dhaafo waxaas, arimaha Itoobiya muhiimada ha saaro”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*