Somaliland Oo Masar & Itoobiya U Soo Bandhigtay In Ay Dhex-Dhexaadiso Muranka Ka Taagan Biyo Xidheenka

Wefti Itoobiyaan ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dal.

Arintan ayaa imanayda Todobaadk kadib markii koox ka socota Masar ay wadahadal la yeesheen dawladda Somaliland kuwaas oo ay kaga doonayeen in ay gobollada waqooyi-galbeed ka siiso saldhig militari taas oo ayna masuuliyiinta Itoobiya si wanaagsan ula dhicin marka la eego khilaafka Itoobiya kala dhexeeya Masar ee ku aadan wabiga Nile.

Somaliland ayaa u soo bandhigtay in ay dhexdhexaadin ka dhex abuurto Itoobiya iyo Masar muranka ka taagan dhismaha mashruuca biyo-xireenka ee ku teedsan wabiga loo yaqaano Blue Nile iyada oo u sheegtay in wadahadalo lagu xalin karo khilaafkan.

Wasiir kuxigeenka Arimaha Dibada ee Somaliland Liibaan Youssouf Cusmaan ayaa sheegay in labada wadan ay ka fiirsanayaan inay yeeshaan wada hadal danta darteed.

Itoobiya ayaa ah saaxiibka ugu muhiimsan ee somaliland ee geeska Afrika. Labada dal ayaa iska kaashaday shirkadda DP World iyo dawladda Isutagga Imaaraatka Carabtu sidii dib loogu dhisi lahaa dekeda Berbera oo door muhiim ah ka ciyaaraysa isku xidhka badaha iyo geeska dhexe.

Labadii todobaad ee u dambeeyay ayaa la arkay in Somaliland ay si buuxda ugu talaabsatay sidii ay u dhisi lahayd heshiisyo cusub iyada oo somaliland xidhiidh diblomaasiyadeed oo la yeelatay dalka Taiwan iyo waliba heshiisyadii ugu dambeeyay ee ay la gashay Masar iyada oo wali sii wadaysa dadaalka loogu jiro aqoonsiga caalamiga ah.

Xidhiidhada cusub ayaa ka xanaajiyay dalka shiinaha oo dhinac diidan heshiiska ay la gashay Taiwan iyo Itoobiya oo ka biyo diidan xidhiidhka Masar.

Laakiin Somaliland waxay leedahay Masar waxay muhiim u tahay rabitaankeeda aqoonsi caalami ah.

“Masar waxay door weyn ka ciyaari kartaa aqoonsiyadeena caalamiga ah maadaama ay tahay waddan weyn oo ku yaal qaaradda Afrika iyo Carabta kuwaas oo gacan ka geysan kara riixista kiiskeenna aqoonsi ee Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta,” ayuu yidhi Liban Youssouf Cusmaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*