Somaliland Oo Qabatay Xayawaano Si Sharci Daro Ah Looga Dhoofinayo Gobolka Salal

Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga oo kaashaneysa Booliska Gobolka Salal ayaa qabtay xayawaan gaar ahaan shabeelo yar-yar oo si sharci darro ah laga dhoofinayo Somaliland.

Howlgalkan oo socday ilaa xalay fiidkii ayaa ka dhacay magaalada Xaridad ee gobolka Salal waxana lagu qabtay 5 shabeel oo aad u yar-yar oo laga dhoofinayay Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Cabdi naasir Axmed Xirsi ayaa xaqiijiyay in ay dadkii xayawaanka lagu qabtay damacsanaayeen inay u tahriibaan Jasiiradda Carbeed ka hor intii aan lagu qaban gobolka Salal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*