Somaliland Oo Xaqiijisay In Ay Xidhiidh Diblomaasiyadeed Oo Xoogan La Dhisayso Masar & Arimaha Ay Labada Dal Iska Kaashanayaan.

Somaliland ayaa doonaysa in ay xidhiidh diblomaasiyadeed oo xoogan la samayso dalka Masar sida uu wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee Somaliland, Liban Yousouf Cusmaan u sheegay wargayska Daily News Masar.

Liban DNE u xaqiijiyay in wafti heer sare ah oo ka socda Dalka Masar yimaadeen Somaliland todobaadkii hore waliba kulamo la qaateen masuuliyiinta Somaliland ee arimaha dibadda, maalgashiga, kalluumaysiga iyo wasaaradaha xoolaha.

Tani maahan waftigii ugu horreeyay ee Masar ah”ayuu Liban yidhi.

“Waxa horay u yimid Somaliland wasiir ku-xigeenka Masar ee Afrika Xamdi Loza sanadkii 2019”.

Liban ayaa sheegay in ay Masar iyo Somaliland ka wada hadlay sida ugu wanaagsan ee loo sii horumarin karo is dhexgalka bulshada ee ka dhexeeya labada dal, xidhiidh ganacsi oo laba geesood ah iyo waliba arimaha ugu muhiisan oo ah kaluumaysiga iyo xoolaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*