Somaliland: Qaar Ka Mid Ah Masaajidada Hargiesa Oo Bilaabay Salaada Ciid al-Adxa

Qaar ka mid ah Masaajidada Magaalada Hargiesa Caasimada Somaliland ayaa saaka khal-khal galiyay Dadk ku nool caasimada kadib markii ay bilaabeen Takbiirta Salaada Ciid al-Adxa inkasta oo ayna maanta ciid ahayn.

Waxa si weyn Ummada Muslimiinta adduunku u sugaysaa Ciid al-Adxa oo ka mid ah Maalmaha sharafta leh ee Muslimiintu Farxaan.

Ciid al-Adxa ayaa la ciidi doonaa maalinta jimcaha iyada oo maanta oo 9 Tahay Bisha Carrafo la soomayo laakiin Qaar ka mid ah Masaajidada Hargiesa ayaa si lama filaan ah u bilaabay Takbiirta Salaada Ciid al-Adxa laakiin markii si Buuxda loo soo wada Toosay ayaa la ogaaday in ay Sheekayadaas khaldameen oo ayna maanta ciid ahayn.

Somaliland ayaa guud ahaan maanta laga soomanyahay iyada oo maalinta Bari ah si Rasmi ah loo ciidi doono Ciid al-Adxa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*