Taliyaha Ciidamadda Milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani Oo Digniin Adag U Diray Puntland

Taliyaha Ciidamadda Milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa digniin adag u diray maamul Goboleedka Puntland kadib hadalo hanjabaad ah oo maalmihii ugu dambeeyay ka soo baxay Maamul Goboleedka Puntland.

Taliye Nuux Ismaaciil Taani ayaa Puntland uga digay in ay soo fara galiyaan xuduuda Somaliland kana abuuraan dagaalo iyo dhibaatooyin ku dhexmara ciidamada iyo bulshada.

Taliyaha guud ee Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in ay Somaliland tahay dal Nabad jecel sidoo kale jecel in ay nabad kula noolaate jaarkooda.

“Somaliland waa wadan ku dhisan nabad waliba jecel in ay jaarkooda Nabad kula noolaato, Siyaasada Dawladayadu waa Nabad Galyo, Madaxweynahayaguna waxa uu na Amray in aan nabad kula noolaano jaararkayaga.

“Wakhtiyadii ugu dambeeyay waxa Puntland oo jaarkayaga ah ka soo yeedhayay Hanjabaado badan oo naloogu hanjabayo waad ka tagi doontaan, waad ka yaaci doontaan, dhiigiina naga fogeeya iyo waxyaabo la mid ah”.

“Anagu ma nihin dad dagaal hurinaya laakiin waxa aan ku baaqaynaa Nabad, Laakiin hadii ay dagaal noqoto oo aan Nabad wayno waxa aan ka bixin doonaa jawaab fiican”.

“Xadka Somaliland cidna waydiinsan mayno laakiin Nabad ayaan ku raadinaynaa, waxana aan Puntland u sheegayaa in ay wax u arkaan sida aanu anagu wax u aragno damacana iska daayaan”.

“Xad ayaan kala Leenahay Koonfur iyo Woqooyin waxa ay kala lahaayeen xad markii ay isku daranayeen xadkuna waa isla kii markaas jiray, Puntland-na ma badali karto Somaliland-na waxba kuma darsan karto”.

“Sidaas darteed damaca iska daaya, damaca waa la isku dilaaye, Somaliland waxa ay doonayaa in aan nabada ku wada noolaano”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*