U Gaar Ah Ragga: Dhibaatooyinka Dib U Dhaca Guurka Ninka.

Da’da guurka ku habboon ee Ragga ayaa ah mid ka yar 40 jir iyada oo hadii ay dhib u dhacdo noqonayso wakhti dambe iyada oo waliba jirto dhibaatooyin badan oo uu Ninka ku keeni hadii uuna horay u guursan.

Dhibaatada guurka wakhtiga dambe ayaa leh dhibaatooyin aad u badan waliba kala duwan waxana aan halkan ku soo bandhigi doonaa dhibaatooyinka Guurka raaga ee Ragga.

1.Saamaynta Awooda Dhalmada Ninka:

Dib u dhaca guurka ayaan kaliya saamayn dhalmco ku lahayn dumarka laakiin sodoo kale waxa uu saamayn dhalmo ku yeelan karaa Ninka hadii uu Weynaado Ninku waxa shaki la’aan ah in uu yaraado hoormoonka Ninka waxana yaraan doona saamayntiisa kulanka sariirta.

Daraasad la soo saaray ayaa lagu ogaaday in hadii uu Ninku dhaafo da’da 25 sano jirta in uu 8% hoos u dhoco hoormoonkooda dhanka kulanka sariirta halka uu marka uu 40 dhaafo si aad ah hoos ugu dhoco.

2.Farqi u dhexeeya Caruurta & Aabaha sabab la xidhiidha da’da weyn ee u dhexaysa:

Dhibaatooyinka Guurka Raaga ayaa ah in marka uu Ninku da’ weyn ku guursado ee uu Ilmo yar dhalo in uu la kulmi doono dhibaato weyn sabab la xidhiidha da’da aadka u weyn ee u dhexaysa taas oo keenaysa in ay ku adkaato bar-baarintiisu.

3.Suurtagalnimada In Uu Dhinto Gabadhana kaga tago carmal:

Inkasta oo uu Illahay Dhimashada iyo wakhtiga uu qofku dhimanayo hayo hadana marka uu Ninku da’ weyn ku guursado waxa jirta suurtagalnimada in uu Ninku ka hor dhinto gabadha sabab la xidhiidh in uu Ninku marka uu weynaado hadii uu horay u guursan waayo in uu la kulmo xanuuno badan oo sabab u noqon kara geeridiisa.

4.In Uu Ninku Waayo Gabadha Riyadiisa:

Nin walba waxa uu ku riyoodaa in uu Guursado gabadha riyadiisa waliba dhalo caruur sidaas darteed hadii uu Ninku wakhti dambe guursado waxa uu waayayaa gabadha riyadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*