WARBIXIN: 5 Qof Oo Ugu Cad-cad In Ay Noqdaan Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya.

Tan ilaa markii Golaha baarlamaanku xilka ka qaadeen Ra’iisal wasaaraha Somaliya xasan cali khayre wakhti sii horaysay oo bishan ah waxa si weyn loo hadal hayaa cida qaban karta xilka 2-aad ee ugu awooda badan dalka Somaliya.

Madaxweynaha Dalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa raadinaya masuul uu u magacaabo xilka Ra’isalwasaaraha Cusub maadama laga sugayo in uu bilaha yar ee soo socda soo dhiso dawlad cusub.

Waxa jira masuuliyiin badan oo u tartamaysa booska Ra’isalwasaaraha Somaliya kaas oo ah booska 2-aad ee ugu awooda badan Somaliya marka laga yimaado Madaxweynaha Dalka.

Waxa jira 5 shaqsi oo si weyn ugu cad-cad in ay noqdaan Ra’isalwasaaraha Cusub ee soomaliya waxana ugu horeeya Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo haatan ah Agaasimaha Madaxtooyada Somaliya.

Qofka 2-aad ayaa ah Dr.Cabdiraxmaan Cismaan Faarax kaas oo aan si weyn looga aqoon saaxada Siyaasada Somaliya Qofka 3-aad ayaa lama filaan noqon kara waana madaxweynaha haatan Hogaamiya maamul goboleedka Galmudug Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Qofka 4-aad ayaa ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen odowaa waana xildhibaan ka tirsan Xildhibanaada Golaha baarlamaanka Golaha shacabka halka uu qofka ugu dambeeya yahay Dr.Cali Maxamed Geedi kaas oo horay u soo qabtay xilka Ra’iisal Wasaare ku meel gaadh ah oo Dowlada Somaliya ah isaga oo leh khibrad buuxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*