Wasiir Ka Tirsan Somaliya Oo Ka Soo Hor Jeestay Go’aanka Xilka Looga Qaaday Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiirka Amniga dowlada Federaalka Somaliya ee Maxamed Abuukar Islow ayaa diiday maanta codka kalsoonida loo qaaday Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Somaliya ee Xasan Cali khaire.

Waxa maanta si lama filaan ah xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khaire kadib markii ay 170 xildhibaan kalsoonida kala laabteen Ra’iisul Wasaaraha sabab la xidhiidha in ay xukuumadu sheegtay in ayna qaban karin doorasho hal qof iyo hal cod ah.

xildhibaano ka tirsan golaha wasiiradda oo joogay kal-fadhiga barlamaanka ayaa diiday dooda kalsooni kala noqoshada xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khaire iyagoo ku tilmaamay go’aanka ridista xukuumadda mid ka timid gudoonka oo kaliya isla markaana aan sharciyad haysan.

Wasiirka Amniga, Maxmed Abuukar Islow ayaa ka mid ah xildhibaanada diiday go’aanka ka soo baxay Golaha Baarlamaanka Somaliya ee xilka looga qaaday Raiisel wasaare Xasan Cali khaire.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Waa maalin umada Soomaaliyeed mugdi u ah in guddooonka baarlamaanka uu si sharci darro ah udhaqmay. Waxaan laga rabaa inuu keneo caddeyn ah inay dood dhacday, eedeynta loo soo jeediyay xukumadda, xildhibaannada ay koodeen. Waxaas oo dhan ma dhicin, waana nasiib darroā€¯

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*