Wasiirka Arimaha Dibada Taiwan Joseph Wu: Somaliland Waa Wadan Madax-Banaan

Taiwan Ayaa xidhiidh diblomaasiyadeed oo Rasmi ah la leh 15 dal sabab la xidhiidha cadaadiska uu dalka Shiinuhu ku hayo isaga oo u arka jasiirad ka tirsan dhulkeeda oo aan xaq u lahayn in ay xidhiidh dawladeed la samayso dawlado kale oo Africa ah iyada oo dalka eSwatini yahay dalka kaliya ee ay la leedahay xidhiidh diblomaasiyadeed oo dhameystiran.

Taiwan ayaa bishii February heshiis la saxiixatay Somaliland oo ku taala geeska Afrika kana goosatay Somalia inteeda kale.

Wasiirka Arimaha Dibada Joseph Wu Taiwan ayaa sheegay in ay heshiis la saxiixdeen Somaliland kuwaas oo ah dal gaar ah kuwaas oo xor ka ah Somalia inteeda kale.

Wuxuu u sheegay wariyeyaasha Taipei in sideed wadan oo kale ama hay’ado caalami ah ay xafiisyo ku leeyihiin Somaliland oo ay ka mid yihiin Ethiopia yo wadamo kale.

“Waxan u malaynayaa in ayna ahayn wax ka duwan waddamada kale”ayuu Wuu yidhi,

“waxa intaas sii dheer in Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanideeda 1991-kii oo ay qabatay saddex doorasho oo madaxweyne”

“Intaas sii dheer in in ay Somaliland aqoonsadeen dalal badan kuwaas oo u arka wadan xor ah oo dimuqraadi ah oo Africa ku yaala”.

“Marka, asal ahaan, Somaliland waa waddan madax-bannaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*